RIIX HALKAN Halyey Salaad Cali Jeelle oo ka mid ahaa saraakiishii dowladda ku meel gaarka ee Somaliya ee horkacaysay dagaalkii ay ciidammada Dowlada Somaliya iyo kuwa nabad ilaaliyaasha ee Itoobiya ku qabsadeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya sanadkii 2006dii ayaa Wareysi dheer oo uu siiyay Idaacada Qarandiidka ah ee Laanta Afka Somaliga BBC ee uu hogaamiyo Yusuf Garaad ayuu kaga waramay arrimo ay ka mid yihiin dib u heshiisiinta iyo eedeeymaha ay argagaxisida u soo jeediyeen in ay galeen xilligii ay Somaliya keeneen ciidamada Nabad Ilaaliyaasha ee Itoobiya.
Sida shabakadan ay u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamadan waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Magaalada Beledweyne soo gaaraan Ciidamo lagu soo tababaray dalka Itoobiya kuwaas oo la filayo in lagu wareejiyo sugida Nabad-galyada Magaalada oo ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamadda Itoobiya.
Warar aanu ka heleyno shaqsiyaad u dhuun daloola siyaasada isbaheysiga Asmara ee hada fariisinkiisu yahay dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed lagu wado in uu iska casilo guddoomiyenimada Isbahaysiga Mucaaradka,taas oo uu la wareegi doono Ina Salaad Booy oo dadka qaar ay u yaqaanaan Cabdi Qaasim Salaad Xasan.
Marwada Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xaawo Cabdi Samatar oo maanta shir jaraa'id ku qabatay xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somaliya ayaa sheegtay in wax laga naxo ay tahay in qarax lala beegsado Haween Soomaaliyeed oo ka shaqeynayey Nadaafadda dalka iyo soo celinta bilicda magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay sheegtay in ay u taagnaayeen horumarinta dalkooda.
Waxaa saaka ku dhawaaqay in ay is casileen laba wasiir ku xigeen oo ka tirsan xukuumada sii liicaysa ee Nuur Cadde waxaa ayna kala yihiin Wasriir ku xigeenkii wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta iyo wasiir ku xigeenkii wasaaradda howlaha guud ee Dowlada Fedaralka Somaliyeed
Wakhtigii Magaalada Muqdisho qeyb ka mid ah ay ka talinaysay, Dowladdii uu madaxda ka ahaa Mudane CabdiQasim Salaad Xassan ayaa waxaa u cadaatay xubno beesha Ceyr ka mid ah in aysan u suurto geli karin hanashada beel weynta Soomaliyeed, gaar ahaan dadka reer Muqdisho. Si wax looga qabto qorshaha qoyska, ayaa shir lagu qabtay guriga CabdiQasim Salaad Hassan.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka doodaya oo shir ka leh Arimaha Dhaqaale lalunsadey & wax ka qabashadeeda ,sida ay sheegeen Xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ,war laga helayo Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay maalmahaan socdaan dadaalo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa la Xisaabtamka shaqsiyaadka lacagta lunsadey.
Dagaalo xoog leh ayaa ka qarxay Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya, ayagoo dhexmaraya Ciidamada dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ay taageerayaan saaxibadood Milateriga Itoobiya Iyo Kooxaha argagaxisada gafuurka duubato ee ka soo horjeeda Siyaasada dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Dowlada Itoobiya ayaa u yeeratay saraakiisheeda ku sugan Muqdisho, kadib markii Madaxweynaha Somaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ku eedayey in ay u janjeeran yihiin dhinaca Wasiirka Kowad
Wasiiro tiradooda gaareyso Toban iyo hal wasiir ku xigeen ayaa maanta shir jaraa'id ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxay ku soo bandhigeen sababaha keenay in ay iska casilaan xilalki ay ka hayeen xukuumadda Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, waxayna sheegeen in ay isku casileen go'aanka uu Ra'iisul Wasaaraha ka qaatay xil ka qaadistii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere kaasoo ay ku sheegeen in uu ahaa mid kaliye talisnimo.